Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo xilkii ka qaaday wasiirka Maaliyadda HirShabelle + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xilka ka qaaday wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha maamulkaasi Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu shaaciyey in gabi ahaan xilkii looga xayuubiyey wasiirkaasi.

Sidoo kale Digreetadan ayaa lagu magacaabay in wasiirka cusub uu noqdo Cabdishakuur Abuukar Xasan.

Sababta xilka looga qaaday wasiir Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa lagu sheegay n Hirshabeelle ay haatan u baahan tahay isbeddel dhinaca Maaliyadda ah.

Dhinaca kale warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in muddooyinkii la soo dhaafay uu jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyey wasiirka xilka laga qaaday iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Arrintaasi ayaa la sheegay inay isoo dadajisay in la Eryo wasiirkii Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Halkan hoose ka Aqriso:

66704614_1619402758195401_57411300377933

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this