Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Jubbaland oo soo saaray Shuruudaha iyo musharaxa DF oo la cunaqabateeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada iyo xuduudaha ee dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay Jaantuska isdiiwaangelinta iyo shuruudaha doorashada Madaxweynaha.

Warqadaha ka soo baxay Guddiga ayey ku sheegeen in isdiiwaangelinta musharrixiinta ka billaabaneyso maanta oo Khamiis ah kuna egtahay maalinta Sabtiga ah.

Shuruudaha Musharrixiinta ayey sidoo kale shaaciyeen Guddiga waxaana ka mid ah bixinta lacag gaareysa $30,000 (Soddon kun) oo doollar.

Sidoo kale waxaa shuruudaha ka mid ah musharrixiinta Haweenka ah in ay bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah.

Qodobada kale ayaa waxaa ka mid ah warqadaha dambi la’aanta, sawirro teesare ah iyo qorshaha musharraxa.

Sidoo kale qodobada waxaa ku jiro inuusan isisoo sharixi karin musharax qabo naag ajnabi ah, waxaana la rumeysan yahay in qodobkaan lagu xakameenayo musharaxa Dowladda ay wadato Oomaar oo la sheegay inuu qabo xaas Ajnabi ah.

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

 

No photo description available.

 

No photo description available.

No photo description available.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this