Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad Caddaalad Loogu Raadinayo Gabadh Soomaali Ah Oo Ka Dhacay Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Dibadbax ay dad badan ka qeyb galeen oo caddaalad loogu dalbanayo gabadh yar oo Soomaali ah ayaa ka dhacay magaalada London.

107918384_15638731-57f8-4e2d-8997-68ec51

Gabdha yar ee caddaaladda loo raadinayo ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana qoyskeedu ay sheegeen in dhimashadeeda ay ka dambeysay dhibaateyn badan oo loogu geystay Iskuulkii ay dhiganeysay.

Shukri Cabdi ayaa la sheegay in muddo dhowr bilood ah lagu dhibaateynayay goobtii ay waxbarashada u joogtay.

Boodhadhka ay mudaharaadeyaasha siteen ayaa lagu qoray erayo caddaalad loogu raadinayo Shukri
Dadka dibadbaxa ka qeyb qaadanayay ayaa iskugu tagay bannaanka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha UK.

Waxa ay sidoo kale ku wareegeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, iyagoo sitay boodhadh uu ku qoran yahay halkudhigga ka turjumaya ujeeddada mudaharaadka.

Meydka Shukri ayaa 27-kii bishii Juun laga helay wabiga Irwell, kaddib markii ay boolisku sameeyeen howlgal baadigoob ah.

Hooyadeed oo lagu magacaabo Zamzam Tuure ayaa qeylo dhaan u gudbisay laamaha ammaanka, markii ay gabadheeda iskuulka kasoo laaban weyday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this