Deeq A. Posted July 18, 2019 (SLT-Masar)-Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ay 4 qof surka kaga gooyeen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay. Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay shalay weerareen koox dad ah oo ku sugnaa Degmadda Yar ee Bir Al-abdi, kadibna ay qoorta ka gooyeen 4 qof, halka qof 5-aad ay hore u afduubteen. Wararka waxay sheegeen in Dhibanayaasha la dilay iyo midka la qafaashay ay Maleeshiyadda ku tuhmeen inay la shaqeeyaan Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Masar. Maleeshiyadda taabacsan Kooxda Daacish waxay ka hawl-galaan inta badan Deegaanadda ku teedsan Lama-degaanka Gacan-biyoodka Siinaay, waxayna beegsadaan Ciiddanka Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites