Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Puntland Oo Xil U Magacabay Siyaasi Ka Goostay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa gudoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay Cali Xuseen Soomaali. Cali ayaa hore u ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland laakiin, wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiin iyo ciidamo Somaliland dhawaan ka goostay oo u galay maamulka Puntland.

Wareegto uu soo saaray Siciid Deni ayaa u dhignayd sidan:-

  1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
  2. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.
  3. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.
  4. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this