Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha HirShabelle oo cabasho ka dhan ah Itoobiya u gudbiyey QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)  – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka warbixinayey kulan uu shalay la qaatay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swam ayaa sheegay inuu u gudbiyey dacwad ka dhan ah dowladda Itoobiya.

Waare ayaa tilmaamay in dacwadda ay gudbisay HirShabelle ay la xariirto Webiga Shabelle ee mara deegaanada maamulkaasi.

Wuxuu carabka ku duftay in Itoobiya ay xirato Webiga marka uu biyo yareeyo, islamarkaana ay soo deyso marka uu buuxsamo , taas oo keenta in fatahaad ay ka dhacdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelah Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinkaasi iyo kuwa kale oo ka jira HirShabelle uu hordhigay James Swam, islamarkaana uu rajeynayo in dhammaan wax laga qabto arrimahaasi.

Dhinaca kale waxa uu shaaciyey inay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn wuxuu xusay in ay isla garteen in la qabto wada-hadallo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this