Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo durbo la kulmay eedeyn culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaliilay guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Fiqi ayaa su’aal ka keenay habkii loo magacaabay guddigaasi oo ka shaqeyn doono qaban qaabada iyo diyaarinta shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Wasiir Sabriye mar welibo uu soo saaro go’aanno iyo warqado, sida ay rabto ah xukuumadda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu shaaciyey in inta badan xubnaha guddiga ay Mushaar ka qaataan xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

“Wasiir Sabriye waa nin is-hafraya, wasaaraddiisuna waxay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, guddiga dib uheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska Khayre oo mushaari ka yihiin.”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi

Axmed Macalin Fiqi oo hadalkiisa sii watay ayaa shaki galiyey guddigan, isaga oo xusay in aysan waxba soo kordhineyn, islamarkaana uu ka Shaqeyn doono kaliya danaha dowladda dhexe Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaasi raaciyey inuu rajeynayo in aysan horseed u noqon kala geynta shacabka ku dhaqan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

“Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay GM? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli xukuumadda Soomaaliya ay guullo waa weyn ka gaartay arrimaha Galmudug, islamarkaana ay haatan ku howlan tahay qaban qaabada iyo sida loo wajahayo doorashada guud ee maamulkaasi.

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this