Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaashaanburta Nato Oo Ka Walaacsan Awoodda Millatari Ee Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-NATO ayaa isku diyaarinaysa duni ay ka buuxaan Gantaalada dalka Ruushka iyadoo waqtiga heshiiskaan ku saabsana uu cararayo

107922573_27e66667-4335-4578-9e3d-d4c51c

Heshiiskan oo ay Mareykanka iyo Ruushka galeen 1987 ayaa mamnuucaya gantaalada nooca riddada dhexe iyo kuwa riddada gaaban.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay Ruushk in uu u hogaansamo heshiiska ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo ah 2 bisha August.

Waxuu sheegay in arrintaan ay tahay mid halis ah isla markaana gantaalada xambaari kara madaxyada Nucliyeerka ay daqiiqado yar ku gaari karaan magaalooyin ku yaala wadamada Yurub.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa carabka ku adkeeyay in ay adagtahay in in la ogaado gentaaladaan,wuxuuna intaa ku daray in Nato ay si xikmadeysan isaga difaaci doontaa talaabadaan iyadoon indhaha ka qarsan doonin waxa uu Ruushku sameeynayo oo ay ka mid yihiin in madafiicda goobta ay daabulaan saldhigyo militari oo ku dhaw dalalka Yurub.

Soo gaaridda gantaalada difaaca hawada ee Ruushka ka iibiyay dalka Turkiga ayaa loo arkaa khatar weyn islamarkana waxay arrintan khilaaf ka dhex abuurtay Mareykanka iyo Turkiga.

Mareykanka ayaa sheegay in uu joojin doono in uu Ruushko ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee nooca F-35 .

Xogyaha guud ee Nato Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Turkiga uu yahay bahwadaag muhiim ah marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro kooxda IS, ee gudaha dalalka Ciraaq Suuriya .

Waxaa intaa ku daray in NATO ay tagaeerayso dadaalada xalka loogu raadinayo arrintan.

Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay in uu ku dhiiragaliyay qaar badan oo ka mid ah xubnaha NATO xaqiiqda ah in ay kordhiyaan miisaaniyadda difaacooda kadib markii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ugu baaqay in ay arrintaas sameeyaan.

Sawirrka hadda muuqda ayaa ka wanaagsan sida uu xaalku ahaa dhowr sano ka hor ayuu yiri Xoghayaha NATO.

Sidoo kale waxaa uu farta ku fiiqay in Mareykanku kordhiyay joogitaanka Militarigiisa ee Yurub taasina ay tahay wax laga walaaco .

Xoghayaha guud ee Nato Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg Waxaa uu sheegay in uusna faahfaahin ka bixin doonin fara galinta NATO ee arrimaha nucliyerka iyo halka ay hubkeeda u daabuli doonto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this