Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 12 Qof Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Dhisme Ku Yaalla Dalka Japan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Kyoto)-Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday, ku-dhawaad 40 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii uu saaka dab ka kacay Dhismo Istuudiyo lagu sameeyo Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee (Cartoons) oo ku yaalla magaalada Kyoto ee dalkaasi.

DABKA-1.jpg

Boliska waxay sheegeen in Nin 41-jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey Dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban 3 Dabaq.

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu bilaabay dabka ka kacay dhismahaasi waxa uu ka mid noqday 40-kii qof ee ku dhaawacmay shilkaasi, kuwaasi oo ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen Cisbitaalladda, si loogu soo daaweeyo.

Warbaahinta dalkaasi waxay Booliska ka soo xigteen in 10 qof oo mayd ah laga helay Dabaqa 2-aad ee Dhismaha.

Abaarihii 10-kii iyo badhkii subaxnimo ee saaka Xilliga dalka Japan ayuu dabku ka kacay Dhismo Istuudiyaha oo ay leedahay Shirkadda farsameeysa Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee Kyoto Animation Company.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this