Deeq A. Posted July 18, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa xilala cusub u magacaabay mas’uuliyiin dhowr ah, kadib wareegto uu soo saaray. Wareegtada ayaa sidan u qorneyd: Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan ee maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites