Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo deg deg ku magacaabay guddoomiyeyaal cusub iyo mas’uuliyiin kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale magaacabay maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Halkan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay maareeyaha iyo maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyay:

Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhanka kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada gobollada Sanaag iyo Haylaan ee maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Madaxweynaha maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyay:

Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.

Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.

Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this