Deeq A. Posted July 18, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Dilka oo la sheegay in ay geysteen kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in lagu khaarijiyey Suldan Cabdullaahi Cabdiraxmaan. Marxuumka ayaa kamid ahaa Salaadiinta ugu caansan Gaalkacyo qaybta uu ka armiyo maamul goboleedka Galmudug. Ciidamada ammaanka oo howlgalo la sameeyay ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan dableyda oo goobta ka baxsatay. Mudooyinkii dambe dilalka lagu beegsanayo odayaasha dhaqanka ayaa kusoo badanayey qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites