Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo cabasho ka dhan ah Itoobiya u gudbiyey QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu la yeeshay ergayga Qaramada Midoobay oo uu shalay kula kulmay Jowjar, caasimadda maamulkaasi.

Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaadey in uu wakiilka kala xaajoodey arrimo ay kamid yihiin amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo siyaasada dalka.

Mr Waare ayaa daboolka ka qaadey in ay sidoo kale isla soo qaadeen James Swan qodobo ay kamid yihiin xaaladaha abaareed ee ka jira maamulkaasi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in uu sidoo kale u sheegay Swan in xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka uu wanaagsan yahay.

Hogaamiyaha maamul goboleedkaasi ayaa tilmaamay in sidoo kale wakiilka UN-ka u gudbiyey cabasho ka dhan ah Itoobiya oo ku aadan webbiga Shabelle.

Wada hadalo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ayuu xusay in uu u soo jeediyey wakiilka in ay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeyso qaban-qaabiso.

Webbiga Shabelle oo gobolada uu dalka ka maro ay kamid yihiin degaanada HirShabelle ayaa waxaa dhibaato ku qaba shacabka maadaama xiliyadda qaarkood ay Itoobiya joojiso biyaha ka yimaada webbigaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this