Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo baaq culus u jeediyey madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqidsho ( Caasimada Online)  – Wakiilka gaarka aha ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ergeyga ayaa tilmaamay in xiriir wanaagsan oo dhex-mara madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay muhiim u tahay in la gaaro xal siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay marka la yagleelo xasilooni siyaasadeed in la helayo amni iyo nabad galyo buuxda.

James Swan oo ka warbixinayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidoo kale shaaciyey inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada maamulkaasi, ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu intaasi ku daray  in Qaramada Midoobay si ay u xoojiso howlaheeda HirShabelle ay ku yeelaneyso maamulkaasi xafiisyo ka shaqeynaya arrimaheeda, si ay hormariso howlaha ay ka qabato halkaasi.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay u booqday Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this