Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo magacowday guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, ayaa xubnaha ka dhex muuqday ay isugu jiraan kuwa ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Siyaasiyiin hore iyo Mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay.

Guddiga ayaa lagu saleeyay hannaanka awood-qeybsiga beelaha ku midaysan dowlad goboleedka Galmudug, waxaana magacaabistoodu ku soo beegmatay xilli ay dhammaatay mudadii xil-haynta madaxweynaha Galmudug oo ku ekayd 4-tii bisha Julay.

Halkaan hoose ka akhriso magacaabista

1-41.jpg?w=1000&ssl=1 2-38.jpg?w=1000&ssl=1 3-38.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo magacowday guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this