Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen u magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Axmed Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa loo magacaabay Maareeyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, halka Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka.

IMG_20190718_042505.jpg?w=1000&ssl=1Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyay:

  1. Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
  2. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

               ***DHAMAAD***

PUNTLAND POST

The post Maamul cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this