Deeq A. Posted July 18, 2019 Guddoomiyihii PHA Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) sidoo kalana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’adda laga soo bilaabo Janaayo 2019. Sidoo kale waxaa si ku meel gaara shaqada Hay’adda wadooyinka Puntland PHA loogu dhiibay Guddoomiye ku xigeenkii Hay’addaas. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019. Ku: Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland . Ku: Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Wadooyinka. Og: Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland. Ujeeddo: Shaqo ka joojin iyo burin shaqaalaysiin. Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ilaa iyo amar dambe. Sidoo kale waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Janaayo 2019. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka. Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. ***DHAMAAD*** PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii PHA oo shaqadii laga joojiyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites