Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Puntland oo iscasilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlihii wasaaradda Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa caawo xilka iska casilay kadib markii uu qoonsaday in la hoos geeyay wasaaradda Caddaaladda Puntland.

Saalax Xabiib oo ahaa wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland ee Arrimaha Dastuurka ayaa 8-dii bishan madaxweynaha Puntland u beddelay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dastuurka inkastoo xilliga la beddelay uu dalka debadiisa ku maqnaa.

Balse wasiirka ayaa qoraal uu caawo soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi oo sida uu sheegay aan lagala tashan islamarkaana aan u qalmin isaga iyo beeshiisa midna.

Mudane Saalax Xabiib ayaa hore wasiir uga soo noqday wasaaradda Caddaaladda Puntland xilligii xukuumaddii madaxweyne Gaas isagoo xilkaasi hayay mudda 4 sannadood ah.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this