Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Suudaan Iyo Mucaraadka Oo Heshiis Awood-Wadaag Ah Kala Saxeexday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Golaha millatariga iyo mucaraadka wadanka Suudaan ayaa maanta oo arbaca ah qalinka ku duugay heshiis awood qaybsi ah oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartuum, kadib toddobaadyo wadahadalo ah.

heshiiss.jpg

Heshiiskii hordhaca ahaa ee la gaadhay 5tii bishan julay ayaa dhigayay in la sameeyo golle ka kooban 11 Xubnood oo ka kala imaanaya milateriga iyo mucaraadka, kuwasoo 3 sanno xukumi doona dalka Suudaan, kadibna la qaban doono doorasho xor ah oo xalaal ah.

6 ka mid ah gollaha cusub ayaa waxa ay ka imaanayaan mucaraadka iyo bulshada rayidka ah, halka 5 xubnood ee kale ay ka imaanay gollaha Milateriga ee Suudaan. Hoggaamiyaha cusub ee gollaha ayaa ka imaanaya Milateriga, kaasi oo muddo 21 bilood xukumi doono Suudaan. 18 bilood ee ku xigta waxaa talada dalka la wareegi doono hoggaamiye rayid ah oo qaban doono doorasho.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheer xukumayay Suudaan Cumar Xasan Albashiir, waxaa dalkaasi ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo milateriga, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo ahaa banaanbaxayaashii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this