Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadamo Ku Yaal Khaliij-ka Oo Tababar U Fidiyay Xubno Ka Tirsan Al-Qaacida Si Ay U Weeraraan Dalka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dowladda Baxreyn ayaa tababar u fidisay xubno ka tirsan dagaal-yahanada Al-Qaacida si ay weerar uga qaadaan waddanka Iiraan.

Maxamed-Binu-Salmaan-1024x725.jpg

Barnaamij laga baahiyay Tv-ga ku hadla afka carabiga ah ee Al-Jazeera ayaa baahiyay ujeedada kale ee baxreyn ka leedahay uu yahay dagaal-yahanada in gudaha baxreyn ay ka sifeeyeen shiicada laga tirada badan Yahay.

Dagaal-yahanada Al-Qaacida ayaa dhanka kale la faray in ay weeraro ka geystaan gudaha iyo danaha dalka Iiraan.

Madaxda sare ee sirdoonka Baxreyn ayaa xidhiidh toos ah la sameeyay xubno sare oo ka mid ah Ururka Al-Qaacida, sida uu baahiyay Tv-ga fadhigiisu yahay magaalada Dooxa.

Codadka laga hayo intii ay wadahalayeen labada dhinac ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu amarkaan bixiyay boqorka Baxreyn, Xamad bin Ciisa Al Khaliifa.

Dowlada Baxreyn ayaa dhanka kale ugu baaqday dagaal-yahanada Al-Qaacida in ay xaqiijiso in howlgalkaan uu u fulo sida loogu Talagalay.

Muuqaalka Al-Jazeera baahisay ayaa dhanka kale lagu muujiyay in maxamed Saalax oo ka tirsan saraakiisha Al-Qaacida uu hub weydiistay dowlada Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this