Deeq A. Posted July 17, 2019 Balcad (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari rakaab ah oo xalay lagu rasaaseeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa la sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu marayey deegaanka Xaanshooley ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu si xawli ah ku dhaafay bar koontarool, halka kuwa kale ay ku warramayaan in raggaasi ay aheeyeen Burcad dooneysay inay dhacaan rakaabka saarnaa gaarigaasi. Sida la sheegay darawalka ayaa ka biyo diiday inuu istaago, iyadoona ay rasaas xoogan ku fureen kooxahaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay illaa afar qof, iyadoona ay ku dhaawacameen labo kale, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga la rasaaseeyey. Weli ma jirto cid ka hadashay dhacdadaasi, balse waxaa haatan dadkii ku dhaawacmay falkaasi lagu dabiibayaa xarumo ku yaalla degmada Balacad ee Shabeelaha Dhexe. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed khasaaro geystay oo saaka ka dhacay deegaanka Caliyaale ee isla gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wxaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 2 Qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta lahaanshaha dhul ku yaalla deegaankaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites