Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka wada tirsan DF oo ku dagaalamay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya uu soo qabtay askar la sheegay inay dhaceen Qaad, kadibna ay ku gacan seereen ciidamo kale, taas oo sababtay inay wada dagaalamaan ciidamadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaaalkan ku dhintay illaa labo Askari, halka uu ku dhaawacmay sarkaalkii soo qabtay ciidamada dhaca geystay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Dhinaca kale warar kuala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Labar Lixdan iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Al-Shabaab oo dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 5 ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidnaka dowladda oo la xariira qaraxaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this