Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuu-Cali Oo Sheegay In Uu Ku Daysado Macallin Zidane

Recommended Posts

Deeq A.   

Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo ah tababraha kooxda Dekedda horayna usoo noqday ciyaaryahan heer koox ilaa heer qaran ayaa guul waaweyn ka gaaray dhinaca kubbadda cagta,Yuu waqtigiisa macallinimo waxa uu ku guulaystay shan jeer oo horyaalka Soomaaliya iyo 2 jeer oo Somali Super Cup,isagoo u kala qaaday kooxaha kala ah Elman iyo Dekedda,inkastoo Dekedda u qaaday saddex sano oo xariir ah sanadihii 2016-2019

62644169_115043103110946_760677392892035

Cabdullahi Bashiir Kuwaataro oo ah xoghayaha naadiga Dekedda ayaa si weyn u amaanay macallin Yuusuf Cali Nuur,isagoo ku tilmaamay in uu ka shaqeeyo wadajir kooxeed iyo in saaxiib la yahay hanashada koobabka.

Yuu.00_01_35_23.Still002-1024x768.jpg

Qof kasta oo ku jira shaqooyinka caadiga ee ay qabtaan aadanaha waxa uu lee yahay qof uu ku daysado ama afka qalaad lagu dhaho (Role model),balse tababare Yuu ayaa Goobjoog u sheegay waagii uu ciyaaryahanka ahaa in iminka uu yahay macalin in ku daysan jiray kubbadda iyo falsada macallinka reer France Zidane.

Yuusuf-Cali.mp4.00_00_38_17.Still001.00_

Taageerayaasha kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa inta aan loo magacaabin Yuusuf Cali Nuur xilka tababarnimo ee kooxdooda sanadii 2016 aad ugu mahad celiyay maamulkooda sababtan waxa ay ku sheegeen in ay heleen tababare qibrad wanaagsan saaxiibna la ah hanashada koobabka dalka.

Yuusuf-Cali.mp4.00_00_38_17.Still001.00_

Gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa ay macallin Yuu-Cali ku tilmaameen tababare aad u dagan oo badanaa aan ka qaylinin ciyaartooyda kooxdiisa,balse isaga ayaa markale waxa uu Goobjoog u sheegay in uu arintaas ay iskag mid yihiin macallinka kooxda Real Madrid Zinedine Yazid Zidane.

65392344_457619534807397_588602911753030

Mahad Maxamed Xaaji waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanada ay saaxiibada dhaw yihiin tababare Yuu-Cali waxa Goobjoog ugu waramay Yuu in uu yahay qof ay kaga go’antahay in horomarka ka sameeyo kooxda uu hogaaminayo,isagoo Dekedda saddex jeer farta ka saaray horyaalka Somalia Premier League 2016-2019.

Yuusuf-Cali.mp4.00_00_38_17.Still001.00_

Ka dib markii ay kooxda Dekedda ku guulaystay saddex jeer oo xariir ah hanashada horyaalka Soomaliya,sidoo kalane kaalin wanaagsan ay kasoo gashay tartamadii ay ka qeybgashay gudaha waxaa baraha bulshada iyo guud ahaan gobolada dalka ay ku yeelatay taageerayaal xoogan,iyagoo si weyn u amaanay shaqadii ay qabteen

65957006_2265737530407476_88589479014899

Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan,Inkastoo Sheekadan Aan Diyaarinay Inta Aysan Dekedda Qaadan Horyaalkeedii 3-aad ee Somalia Premier League

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this