Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo shaacisay Magaca & Beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii watay gaariga ee ku qarxiyey albaabka Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo, kaasoo furay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu dilay dadka badan.

Wareysi caadiyan Alshabaab ka qaado dadka is-miidaamiyeyaasha ah ayaa laga sii daayey Idaacadda Alshabab ee Andalus, wuxuuna ninkan oo ka mid ahaa is-qarxiyeyaasha diayarsan ee Alshabaab ka hadlay taariikhdiisa iyo halka uu kasoo jeedo.

Is-miidaamiyahan waxaa lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamed Deeq Cali oo loo yiqiin (Muscab Fadhi Koow), wuxuuna kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada WARDEY oo dega gobollada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay inuu Alshabaab ku biiray isagoo yar oo aan qaan gaarin.

Waxaa kaloo la sheegay in wiilkan aabihii Maxamed Deeq uu ka mid yahay Alshabaab, isagoo falka uu sameeyay u arka mid uu Alle ugu dhowaanayo oo uu janno ku helayo.

Shalay ayey ahayd markii ay Alsahbaab shaacisay hoggaamiyihii weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo oo iska kasoo jeeday Beesha Eelaay ee degta Gobollada Bay iyo Bakool.

Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this