Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cali Shiine “In Aan Kusoo Laabano Tartamada Afrika Waa Guul Iyo Sharaf ”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiriika kubadda cagta dalka ayaa da’daal iyo juhdi ku bixinaya dhisidda horomarka kooxaha iyo  ciyaartooyda xulka qaranka ee wadamada dibada ugu qeybgalaya tartamada heer naadi iyo heer qaran si shacabka Soomaaliyeed loogu soo hooyo natiijooyin aad u wanaagsan oo guul iyo horomar u ah Soomaaliya.

IMG-20180425-WA0118.jpg

Mudo dheer ka dib Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku guulaystay in laga qeyb galo tartamadda Caf Champain League,Arab League,Caf Confederation iyo Cecafa Kigama Cup 2019.

pro-2.jpg

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa Goobjoog u sheegay in ay arinta ay ku timid da’daalka ay bixiyeen madaxda xiriirka kubbadda cagta.

7.png

Kooxda kubbadda cagta Dekedda oo sanadkii 3-aad oo xariir ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier League ayaa sanadkan ka qeybagalsa ciyaaraha Caf Champian League guddoomiyaha naadiga Dekedda Cabdullahi Faarax Cusmaan oo tartamada dibada ka qeybgalay,isagoo ciyaaryahan ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay kooxdiisa ka maamul ahaan ay arinta kaga mahad celinayaan madaxda X.K.Cagta wadanka.

faarax.png

Naadiga ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa aheyd kooxdii ugu horeesay sanada 2019 ka qeybgasha ciyaaraha dibada waxaana ciyaartooyda Heegan ay ka qeybgaleen tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Abuukar Islaw Xasan oo ah guddoomiyaha warbaahinta X.K.Cagta ayaa bogaadinaya dhallinyarada ka qeybgalaysa tartamada dibadda,isagoo shacabka kula dardaarmay in ay taageeraan kooxaha iyo xulalalka aadayda ciyaaraha jaamacada carabta iyo kuwa qaarada Afrika.

67143631_2293661884221804_74678843072944

Geesta kale kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa iyagana qeyb ka ah tartanka Caf Confederation waxayna u noqaysaa markii 1-aad ay magaca caasimada ku mataalan Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club  Abuukar Maxamed Sheekh ayaa taageerayaasha kooxdiisa u balanqaaday in ay u soo hooydoonaan natiijooyin ay ku farxaan jamaahiirta naadiga caasimada.

abuukar.png
Xidigaha Kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed oo iyagana sanadkan kaalinta 2aad ku dhameestay horyaalka Somalia Premier Leaague ayaa aadaya ciyaaraha jaamacada carabta waxaana Horseed ay u noqonaysaa in ay dib ugu soo laabtaan saaxada ciyaaraha Afrika iyo carabta.

0T8A2811.MOV.09_16_52_22.Still001-1-1024

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa naadiyada ka qeybgalaya tartamada kala duwan ee dibada kula dardaarmay in aysan is dhigin oo ay ilaaliyan sharafta Soomaaliya.

cali.png

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxaha Ka Qeyb galaya Tarmada Dibada

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this