Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada socdaalka James Swan ee HirShabelle oo la ogaaday + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminayo ergeyga cusub ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta ee gobolka Shabeelaha.

Madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenka iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga Qaramada Midoobay ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ujeedada socdaalka uu James Swan ku tagay Jowhar ayaa lagu sheegay mid la xariirta xoojinta wadashaqeynta maamulka HirShabelle iyo Qaramada Midoobay.

Wakiilka oo kulan hordhac ah la qaatay Madaxda sare ee maamulkaasi ayaa waxa ay kaga hadleen dhibaatooyinka ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu kormeeero xarumaha maamulka iyo goobaha qadiimiga ah ee ku yaalla magaalada Jowhar .

James Swan ayaa horay booqashooyin ugu soo kala bixiyey magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo, halkaasi oo uu kula soo kulmay Madaxweyneyaasha Puntand iyo Jubbaland.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

66922721_2274815316100973_3340090641831966999179_2274815086100996_19746041319349Swan.jpg 67512127_2274815259434312_64117708114886

Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this