Deeq A. Posted July 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko. Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale. Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudan Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud,Taliyaasha Ciidamada iyo Marti sharaf kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho. “Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka. Hoos ka akhriso magacyada saraakiisha dhalinyarada ah ee la dalacsiiyey: Mahad Korow (Gaashaanle) Axmed Qadar (Gaashaanle) Taliye Mooshin (Gaashaanle) Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe) Bashiir Durqun (Gaashaanle) Farxaan Maxamuud (Gaashaanle) Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle) Moha Jeego (Gaashaanle Sare) Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud). Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites