Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Kheyre Oo Lagu Eedeeyey Kala Geynta Shacabka Galmudug (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug.

Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Goobjoog News, in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh.

Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug.

“Kheyre wuxuu ku mashquulsan yahay maalmaha uu meeshan joogo sidii Galmudug u noqon lahayd mid Xamar laga maamulo”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dhisidda Galmudug loo dhan yahay, walow ay caqabado badan jiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/wareysi-xildhibaanka.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this