Sign in to follow this  
Deeq A.

Adeegga Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan oo la tayeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa shaacisay in sanadkaan wasaaraddu ay aad u hibisay adeegyada ay helayaan xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaya sanadkaan waajibaadka xajka.

Mudane Cismaan Aaadan (Dhuubow) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameystiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda.

Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay.

Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shirkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kulmi jireen xujeyda Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this