Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah  degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah, islamarkaana Dukaan ku lahaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Lama shaacin illaa iyo hadda qofka watay gaarigaasi oo ku qarxay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka oo la xariira qaraxaasi.

Radioshabelle.com kala soco, faah faahinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this