Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   
SHIRE.jpg?w=1000&ssl=1Maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha Badhan

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Badhan loogu magacaabay Eng Cabdiraxmaan Cabdi Shire halka Axmed Jamaal Axmed loo magacaabay xisaabiyaha garoonka diyaaradaha degmadaasi Badhan.

Labada nin ee la magacaabay ayaa sida la sheegayo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool degmada Badhan iyadoo hore madaxweynaha Puntland-na u ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dhanka shaqooyinka mudnaan gaar ah siinayso dhalinyarada Puntland ee waxbartay.

PUNTLAND POST

The post Maareeye cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this