Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno wararka qarax khasaaro geystay ayaa saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada kuwa baabuurta lagu dhajiyo.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaasi uu ku dhawaacmay qof rayid ah oo Dukaan ku lahaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Lama shaacin weli qofka watay gaarigan oo ku qarxay agagaarka Saldhigga cusub ee degmada Waabari oo ku yaalla agagaarka isgoyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha Booliska oo ku aadan qaraxaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this