Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen saraakiil ka tirsanaa madaxtooyada iyo Booliska Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxa Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa baahiyey in dilka koowaad uu ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa soo ay sheegeen in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada oo lagu magabacaabi jiray Cumar Colow.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xoogagga dilay ay horay uga sii qaateen Marxuumka Mooto uu watay, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa shaaciyey in sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku dileen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Magaca sarkaalkaasi ayey ku sheegeen Xidigow Cumar Dhegajuun.

Dilalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kordhiyey howlgallada ka socda gudaha magalada Muqdisho.

Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this