Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyayaasha Booliska Gobolka Banaadir oo la dallacsiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka.

Taliyayaasha la dallacsiiyay ayaa lagu bogaadiyay howlkarnimadooda sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee munaasibaddaas lagu sugayay.

Saraakiisha Booliska SOomaaliya ayaa sheegau in Taliyaha Booliska uu soo jeedinta dallacsiinta u gudbiyay madaxda dalka islamarkaana sidaas ay madaxda ku aqbaleen sidaasna ku muteysteen in la dallacsiiyo.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa loo dallacsiiyay darajada Jannaraal sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Taliyayaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa laga wada dhigay Gaashaannallayaal.

Munaasibadda waxaa ka qeybgalay  Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,waxaana oo isaga oo ka hadlayay munaasibadda bogaadiyay howlaha saraakiisha la dallacsiiyay.

Halkaan ka daawo Warkaaan oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this