Deeq A. Posted July 17, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka. Taliyayaasha la dallacsiiyay ayaa lagu bogaadiyay howlkarnimadooda sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee munaasibaddaas lagu sugayay. Saraakiisha Booliska SOomaaliya ayaa sheegau in Taliyaha Booliska uu soo jeedinta dallacsiinta u gudbiyay madaxda dalka islamarkaana sidaas ay madaxda ku aqbaleen sidaasna ku muteysteen in la dallacsiiyo. Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa loo dallacsiiyay darajada Jannaraal sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Sidoo kale Taliyayaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa laga wada dhigay Gaashaannallayaal. Munaasibadda waxaa ka qeybgalay Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,waxaana oo isaga oo ka hadlayay munaasibadda bogaadiyay howlaha saraakiisha la dallacsiiyay. Halkaan ka daawo Warkaaan oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites