Deeq A. Posted July 16, 2019 (SLT- Koonfdur Afrika)-Madaxweynihii hore ee Koonfdur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in uu soo wacay qof aanu gareyn isla markaasna ugu hanjabay inuu dilayo isaga iyo carruurtiisa kadib markii hortagay guddiga baadhaya eedeymaha musuq maasuqa ee loo heysto. Xilli ay socotay dhageysiga eedeymaha loo heysta, waxaa uu Zuma sheegay in kalkaaliyihiisi uu qabtay telefoonka oo lagu yidhi “Waxaad u sheegtaa Zuma in aan dili doono isaga, carruurtiisa iyo dadka ka agdhawba” Garsoore Ray Zondo waxaa uu sheegay in aanan la aqbaleyn hanjabaad kasta oo ku saabsan dil iyo handadaad. Guddiga garsooka ayaa baadhayaa eedeymo musuq maasuq ee la sheegay inuu geystay xilligii uu awoodda hayay. Jocob Zuma ayaa ka degey xilka madaxtinimada dalkiisa sannadkii 2018 iyadoo lagu eedeeyay in uu ku takri falay maamulka musumaasuqna ku kacay. Mr Zuma ayaa waxaa bedelay ku xigeenkiisii Cyril Ramaphosa,oo ballanqaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa isagoo ku tilmaamay sagaalkii sanno ee uu xukunka hayay Mr Zuma waqti khasaaray. Source Share this post Link to post Share on other sites