Deeq A. Posted July 16, 2019 (SLT-Iran)-Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la la’yahay muddo laba Maalmood ka badan. Markabkan oo ku socdaalayey Marin-biyoodka Hormuz ayaa joogsaday gudaha Biyaha Jamhuuriyadda IRAN, ka dibna waxa la bakhtiyey Isgaadhsiintiisa, ka hor muddo laga joogo laba Maalmood, sida laga soo xigtay Xogta la socodka Maraakiibta. Arrintan ayaa dhacaysa, xilli badhtamaha lagaga jiro jahawareerka soo food-saaray Maraakiibta Ganacsiga ee ka dhalatay Xiisadda ka taagan Gacanka Persia. Markabkan ayaa markii ugu dambaysay ee indho la saaro ama la arko ay ahayd Sabtidii Toddobaadkan, waxaana xilligaa lagu arkay Xeebta Jaziiradda Qeshm oo ah ka mid ah Marin-biyood Hormuz, sida uu daabacay Wargeyska Washington Post. Ma Caddayn waxa ku dhacay Markabkan, Afhayeenka Dawladda Imaaraadka Carabta oo arrintan wax laga waydiiyeyna kama jawaabin. Illaa bishii May, ugu yaraan lix Markab ayaa lagu weerarray meel u dhow Marin-biyoodkaasi, kaasi oo ah marinka ugu muhiimsan ee Maraakiibta Shidaalka, Weerarradaa waxay Dawladda Maraykanku ku eedaysay IRAN. Source Share this post Link to post Share on other sites