Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare: Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Mid Ka mid Ah Xarumaha Shirkadda Somtel

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax, kaas oo la sheegay inuu ahaa Qarax miino.:

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay xarun shirkadda Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, halkaasi oo la sheegay inay ka agdhawaayeen Ciidamada ka tirsan dowladda federalka Somaliya.

Illaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad ku sugnaa goobta.

majiro wax war ah oo ka soo  baxay ma’uuliyiinta shirkadda, waxaan kaloo aan jirion cid sheegay Qaraxa lagu weeraray xarunta shirkadda Somtel.

Ciidamada dowladda federalka Somaliya oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaano,  waloow ilaa iyo hadda aan la shaacin dad loo soo qabtay Qaraxa ka dhacay xarunta  shirkadda Somtel ee isgooyska Black Sea.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this