Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ka warbixisay dhul-gariir ka dhacay gobolka Guardafui

Recommended Posts

Deeq A.   
FAARAX-CAWAASH.jpg?w=1000&ssl=1Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash

Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda dowladda Puntland, Faarax Maxamuud Cawaash oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka warbixiyay dhul-gariir la sheegay in uu bilowdii todobaadkan ka dhacay Gacanka Guardafui oo ku yaalla bariga fog ee Puntland.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in dhul-gariirkaasi oo cabbirkiisu ahaa 4.5 magnitude, uu Axaddii ka dhacay meel 171km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Bareeda ee gobolka Guardafui, balse aysan wax khasaaro ah ka dhalan.

Mudane Cawaash, ayaa sheegay in degaanno ka tirsan gobolka Guardafui laga dareemay dhul-gariirka oo sida uu xusay ay kamid yihiin, tuulooyinka Booli-moog iyo Geesaley oo hoos timaadda degaanka Xaabo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddiisu ay diyaarisay, koox khubaro ah oo qiimayn ku soo samayn doona, meelaha dhul-gariirkaasi saameeyay, si ay macluumaad buuxa uga keenaan, waxaana uu ballan-qaaday in ay bulshada la wadaagi doonaan macluumaadka halkaasi laga keeno.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ka warbixisay dhul-gariir ka dhacay gobolka Guardafui appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this