Deeq A. Posted July 16, 2019 Matabaan (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Xildhibaan Cismaaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah xubnahaasi ayaa Shabelle u sheegay in ay la kulmeen waxgaradka dhinacyada ku dagaalamaya halkaasi. Wuxuu tilmaamay in meel hagaagsan ay marayaan wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaasi. Sidoo kale xildhibaan Dhoore ayaa intaasi ku daraya in loo baahan yahay ciidamo isku dhaf ah oo kala dhex galo Maleeshiyaadkaasi, si markale aysan u dagaalamin. Dhinaca kale Cismaaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa ka warbixiyey booqasho ay ku joogaan magaalada Dhuusamarreeb wafdi uu isagu ka mid yahay oo uu hoggaaminayo Madaxwene Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay Dhuusamareeb u joogaan arrimo la xariira dhameystirka xiisada dagaal ee ka taagan degmada Mataabaan iyo sidoo kale boggaadinta dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado deegaanada Galmudug. Shalay Madaxweynaha HirShabelle iyo wafdi uu horkacayo waxa ay gaareen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliiya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxa Xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites