Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubeysan oo dil ka geysatay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa loo geysatay Maxamed cumar Calasow oo la sheegay inuu ahaa Ganasade, si weyn looga yaqiinay degmadaasi.

Marxkuumka la dilay ayaa horay u ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragii ka dambeeyey dilkiisa ay si aayar uga baxsadeen goobta.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya .

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fuliya xaafadaha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this