Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalinka Cusub Ee Muqdisho City Club Maxamed Mistiri Lamjed Oo kulankii Ugu Horeeyay La Qaatay ciyaartooyda kooxdiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Tababaraha cusub ee kooxda Muqdisho City Club Maxamed Meatiri Lamajed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay ciyaartooyda,maamulka,shaqaalaha iyo taageeryaasha naadiga dowladda hoose wuxuuna  xilkan kala badalay Husein Mbalangu oo u dhashay Uganda oo kooxdan hogaaminayay shantii sano lasoo dhaafay..
0T8A5301-1024x683.jpg

Guddoomiyahay kooxda Muqdishu City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid lagu soo dhawaynayo macalinkooda cusub ayna ka sugayaan in naadiga la gaaro guulo waaweyn.0T8A5233-1024x683.jpg

Cabdullahi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqa geynta xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay  is badalka iyo horomarka ay samaynayaan maamulada kooxaha ka dhisan Soomaaliya.

0T8A5175-1024x683.jpg

Jaawhir Baarqab oo ah guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir ayaa maamulka Gobolka kaga mahad celisay da’daalka iyo garab istaaga ay la garab taaganyihiin xidigaha matalaya kooxda dowladda hoose.

0T8A5309-1024x683.jpg

Sida ay sheegeen maamulka naadiga Muqdisho City Club tababarihii hore waxaa kooxda loogu diray natiijada aad u liitada macalinkan  waxaa laga sugayaa in uu yimaado horomar sida uu Goobjoog u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar oo ah gudoomiye ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club.

0T8A5338-1024x683.jpg
Si kastaba kooxda Muqdisho City Club ayaa  horyaalka Soomaaliya Premier League 2018-2019 ku dhamaystay kaalinta 5-aad ee kala horeynta mana aheyn wax horay loogu bartay M.C.C sanadadii hore.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Dhexmaray Maamulka,Macalinka Iyo Ciyaartooyda

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this