Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyey magaca iyo qabiilka ninkii hoggaaminayay weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa afar maalin kadib shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii hoggaaminayey weerarkii dhawaan ka dhacay magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Idaacadda Andalus ayaa baahisay wareysi laga duubay ninkaasi, ka hor inta uusan dhicin weerarka.

Magaca sarkaalka horkacayey weerarkaasi oo Sabtidii dhacay ayaa lagu sheegay Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo loo yaqaanay (Zubeyr).

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo jeedo beesha Eelaay,g aar ahaan jufada Bohoraad ee degta gobollada Bay, Bakool iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Zubeyr ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 209-kii, sida uu ku sheegay wareysiga laga qaaday.

Wareysiga oo soconayay qadar dhan 35 daqiiqo ayaa sidoo kale wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo la xariiray weerarkaasi iyo u jeedada laga lahaa.

Weerarkani oo lagu bartilmaameedsaday Hoteelka Cascasey ayaa ku bilowday Ismiidaamin, iyadoona kadib rag hubeysan ay gudaha ugu daateen Hoteelkaasi.

Jubbaland ayaa xaqiijisay in halkaasi lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah.

Shirqoolada Sacuudiga ee lidka ku ah Islaamka iyo xiriirka sirdoonka Yahuuda

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this