Deeq A. Posted July 16, 2019 Nairobi (SMN) – Taliska booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan xaduuda ay la wadaagaan Soomaaliya ay dileen 3 ka tirsanaa Al-Shabaab oo watay gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in qaraxa gaariga uu xalay fiidkii ka dhacay koonfurta Kiunga oo u dhow xaduuda Soomaaliya. Wararka waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 2 sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya. Waxa uu intaa ku daray in ay aaminsan yihiin in gaarigaasi ay qaraxa ku soo xireen ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo bartilmaameed ka dhigtay ciidamada amaanka Kenya. Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ragaasi oo saarnaa gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay ku dhuumaaleeysanayeen keymo u dhow nawaaxiga deegaanka Kiunga, Booliskana ay ka war heleen, halkaasina uu gaarigoodii ku qarxay. Al-Shabaab ayaaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites