Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Amniga Sacuudiga Oo Sameeyay Howlgalo Culus Oo Sababay Khasaare Naf Iyo Maal Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Ciidanka amniga Sacuudiga ayaa howlgalo xooggan ka wada deegaano ku yaalla gobolka Hodanka ku ah shidaalka ee dhaca dhanka Bari.

1563223157ee62f.jpg

Ilo xog ogaal ah oo diiday in magacooda la xuso ayaa u sheegay Tv-ga Nabaa ee fadhigiisu yahay magaalada London in howlgalka lagu qabqabtay dhalinyaro iyo wadaado shiico ah.

Ciidanka amniga Sacuudiga ayaa sidoo kale jidh-dil u geestay wiil lagu magacaabayay Majid Cabdullaahi oo toddobaad kadib u Geeriyooday.

Gobolka Al-Qaatif ayaa waxaa ku nool shiicada laga tirada badan yahay ee Sacuudiga.

Laamaha amniga Sacuudiga ayaa sidoo kale xidhay wadaadka lagu magacaabo Ibraahim ciisa Al-Ismaciili kaasi oo aan la ogeyn halka loola Dhaqaaqay.

Howlgalkaan oo sidoo kale lagu burburiyay guryo badan ayaa shacabka gobolka Al-Qaatif ku eedeeyeen dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this