Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo gubtay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa iyo raggii saarnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)  – Taliska Booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan xaduuda ay la wadaagaan Soomaaliya ay dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaab oo watay gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in qaraxa gaariga uu xalay fiidkii ka dhacay koonfurta Kiunga oo u dhow xaduuda Soomaaliya.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen labo sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya.

Waxa uu intaa ku daray in ay aaminsan yihiin in gaarigaasi ay qaraxa ku soo xireen ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo bartilmaameed ka dhigtay ciidamada amaanka Kenya.

Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ragaasi oo saarnaa gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay ku dhuumaaleeysanayeen Keymo u dhow nawaaxiga deegaanka Kiunga, Booliskana ay ka war heleen, halkaasina uu gaarigoodii ku qarxay.

Al-Shabaab ayaa bilihii dambe kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenya ee ku sugan xadka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this