Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo xoojinayo taageerada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay ka go’an tahay sare u qaadidada taageerada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

War qoraal ah ayuu Ururku ku sheegay inay xoojinayaan taageerada ay xukuumadda federaalka ka siiyaan dhanka dimoqraadiyada iyo horumarinta dadka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dowlada federaalka uu ka caawin doono dhismaha hay’addaha dowladda iyo xoojinta cadaaladda.

Bayaanka ayaa lagu xusay in taburacaadooda ay sidoo kale ku qotonto sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal xasiloon.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedkan ayaa Tacsi loogu diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii ka dhacay M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this