Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay barnaamij ay sanad kasta ku sharfi doonto Hodan Naaleeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya sanad kasta Xus sanadeed ay u sameyn doonto Marxuumad Hodan Naaleeye.

Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladdu sanad weliba ay bixin doonaan abaal-marin  loogu magac daray Hodon Naaleeye.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in abaal-marintan ay ku tartami doonaan dhammaan Qurbe Joogta Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay qiimeyn gaar ah ku sameyn doonto dhaq dhaqaaqa iyo waxqabadka Qurbe Joogta ku soo laabaneyso dalka.

Arriintan ayuu tilmaamay Wasiir Cawad in lagu dhiiri gelinayo dadka waxtarka u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Hodan Naaleeye oo aheyd gabar Wariye ah, ayaa tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku geeriyootay weerarakii xooganaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this