Deeq A. Posted July 16, 2019 Beledweyne (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuaca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa tilmaamay inuu haleelay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Inta bada Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites