Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay in qarax ay ku dileen 20 ka tirsanaa ciidamada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka  kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi.

Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday saldhig ay ku leeyihiin deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this